
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-SHabaab ayaa galinkii dambe ee shalay dagaal culus ku qaaday xerada ay ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka magaalada Gaarisa oo ee dhulka Soomaaliyeed.
Sida aan warka ku heleyno, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaalka u adeegsadeen hubka culus iyo midka Fudud, xerada ciidamada Kenya ayaa waxaa ka baxay uuro madow oo cirka isku shareertay iyadoo ay korontaduna ka dantay.
Dagaalka kadib waxaa usoo degay diyaarado kuwa nooca qumaatiga u kaca ah. Sidoo kale waxaa jira weerar kamiin ah oo dhacay wax yar ka hor weerarkan. Ciidamo ka tirsan Milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa dhabbaha u galay gaari Qooqan ah oo ka baxay xerada la weeraray kuna socdaalayay wadada isku xirta magaalooyinka Gaarisa iyo Burraa ee isla gobalka Gaarisa.
Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay inuu gubtay gaariga iyadoo weerarka ay ku dhaawacmeen 2 askari oo Kenyaan ah. Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si firfircoon uga hawlgala dhulka Muslimiinta ee ay Kenya gumeysiga ku heysatay tan iyo lixdameeyadii.