Xassan Sheekh Maxamuud oo aan wali la caleema saarin ayaa billaabay beegsiga saraakiishii daacadda u ahayd Farmaajo kuwaasoo isugu jira rag iyo dumar intaba. Isagoo jooga magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa lagu weeraray haweeeney ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Koofurgalbeed.
Haweeneydan oo xanuunsanayd muddo laba bilood ah laguna magacaabo Faadumo Maxamad Cadow ayaa waxaa gurigeeda ku weeraray ciidanka NISA ee DF, waxaana ay la kaxaysteen wiil uu Abtigeed dhalay oo diiday in kaligeed la wato xilli habeen ah, sidaasi waxaan kasoo xiganay qaar kamid ah ehellada gabadha oo diiday in magacooda la shaaciyo sababo la xariira ammaankooda.
Illaa iyo hadda lama oga halka ay ciidanka BS-tu la aadeen gabadhaasi, dhacdadan ayaa qeyb ka ah weeraro dhacay 24kii saac ee lasoo dhaafay, iyadoo beegsiga ugu badan uu ka dambeeyo taliyaha cusub ee NISA, Mahad Salaad oo ay saaxiibo yihiin Xassan Sheekh.
BEEGSIGA LABAAD
Mahad ayaa meesha ka saaray taliyihii hore ee sirdoonka gobolka Banaadir, wuxuuna keenay ninka lagu magacaabo Muxyadiin Warbac Shadoor oo muddo dhowr sano ah kasoo shaqeynayay arrimaha basaasidda. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Warbac uu si hoose ula shaqeynayay Rooble iyo Xassan Sheekh, mudadii uu khilaafku socday, waana ninka ay ka heleen xogta ku aadan kiiska dilka Ikraan Tahliil.
Saraakiishii Sirdoonka ee aadka ula shaqeynayay Farmaajo ayaa dhibaato badan u geystay mucaaradka iyo musharaxiin uu kamid ahaa Xassan Sheekh, waxay ka xiri jireen wadooyinka, munaasabadaha ayay ka baajin jireen, mararka qaar waa ay weerari jireen, haddey doonaanna rasaas daandaansi ah ayay ku ridi jireen si ay u cabsi galiyaan, waxaana muuqata in iyagana haatan laga aarsanayo.
BEEGSIGA SADAXAAD
Beegsiga iyo aargoosiga ay billowday dowladda Xassan Sheekh ayaa cabsi ku beeray taliyeyaal badan, waxaana jira qaar dalka isaga tagay oo uu kamid yahay Fahad Yaasiin iyo kuwa gudbiyay ruqsad ay shaqada uga tagayaan. Cabdullaahi Daahir oo ah Korneyl sirdoonka dowldda u qaabilsanaa dabagalka ayaa sida aan xogta ku helnay Mahad Salaad ka codsaday inuu xilkaasi ka wareejiyo balse waa laga diiday.
Cabdullaahi Dheere oo lagu xamanayay inuu si hoose ula shaqeynayay Xassan Sheekh ayaan la ogeyn waxa ku keenay baqdinta iyo inuu shaqada isaga tago, wuxuu Nabad Sugidda kamid ahaa muddo qiyaastii toban sannadood ah, waana nin dhallintaro ah 30 jir ah oo ku dhashay dhulka Soomaaligalbeed, xiriir qoto dheerna la leh sirdoonka Itoobiya ee xaruntoodu tahay magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaaliyeed.
BEEGSIGA AFARAAD
Maalintii shalayna waxaa dhacay weerar kale oo uu rajiimka Xassan Sheekh ku qaaday guriga Fahad Yaasiin, taliyihii hore ee sirdoonka oo haatan ku maqan wadanka Turkiga, lama faahfaahin waxa ay guriga ka qaateen, hase ahaatee waxaa la xaqiijiyay iney kala wareegeen 30 askari oo ahayd ilaalada gaarka ah ee Fahad iyo laba gaari oo Cabdibile ah.
Tan iyo markii la doortay Xassan Sheekh waxaa dalka isaga tagay tobannaan shaqsiyaad ah oo naftooda u baqaya kana mid ahaa dadkii sida gaarka ula shaqeynayay Farmaajo, qaar kamid ah saraakiisha daacadda u ah nidaamka cusub ee Villa Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanaya dhiira galinta iska aar goosashada, Wareysi uu xalay bixiyay agaasimaha TV-ga DF waxaa laga dheehanayay erayo beer laxawsi ah oo uu kusoo jiidanayo Xassan Sheekh dhanka kalana uu ku dhaliilayo madaxweynihii hore, wuxuu si cad u sheegay in markii isaga iyo C/casiis Afrika lagu beegsaday weerarkii nafhurnimada ahaa aysan dhicin in ay tacsi iyo daryeel ka helaan Farmaajo, maadaama iyagu ay la safteen Rooble, warkan ayaa dhiira galin u ahaa beegsiga uu wado Xassan Sheekh.
BEEGSIGA SHANAAD
Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii xarunta madaxtooyada laga saaray cunto kariye-yaashii Farmaajo, iyadoo Xassan Sheekh uu keensaday cunto kariye-yaal cusub oo rag iyo dumar isugu jira, waxaana suura gal ah inuu ka baqday in ay xogo ka gudbiyaan amaba ay raashinka u sumeeyaan. Lama oga waxa sababta u ah cadaawadda heerkan la eg ee ka dhex jirta DF, dad badanse waxay aaminsan yihiin in ay arrintan ugu wacan tahay habka dhismaha DF oo ku saleysan qabiil 4.5.
Dhanka kale waxaa habeenkii xalay magaalada Baydhabo ku kulmay Xassan Sheekh iyo saraakiil ka socota dowadda Itoobiya oo uu wehlinayay sarkaal u dhashay wadanka Eratariya, siyaasiyiin ayaa sheegay in lagala hadlay inuusan faraha la galin Laftagareen iyo Qoorqoor oo iyagu si toos ah ugu xiran Adis ababa iyo maamulka Abiy Axmad, xilli Xassan uu ku xirnaa Tigreega iyo Gabre kooxdiisii. Kulankii xasaasiga ahaa ee xalay ka dhacay madaxtooyada Baydhabo waxaa laga saaray dadkii madaxweynaha la socday oo ay kamid tahay Khadiijo Maxamad Diiriye kuwaasoo hoteello seexday, Saraakiisha Itoobiyaanka iyo kan Eratari-yaanka ayaa maanta Xassan ku wehlin doonaan booqasho uu ku tagayo magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.
Ujeedada socdaalka Dhuusomareeb ayaa ah in Xassan uu heshiis lasoo galo Qoor-qoor oo isna ahaa hogaamiye ku garab ahaa Farmaajo, wuxuuna doonayaa inuu usoo xalliyo sidii Laftagareen oo kale, wuxuu u ballan qaadi doonaa inuu wax ka siiyo golaha Wasiirada ee dowladdiisa uuna keensado shaqsiyaad uu isagu soo xushay.
Sidoo kale saraakiisha Mareykanka ee jooga xerada Xalane ayaa maamintii shalay diiday in uu halkaasi galo taliyaha cusub ee Nabad-sugidda Mahad Salaad, waxaa suura gal ah iney qoonsadeen sida uu wax u wado amaba ay ku heystaan wax yaabo hore.