HomeAll newsErgay Xildhibaan oo Ka Tirsanaa Safaaradda Turkiga Ee Xamar oo La Dilay.

Ergay Xildhibaan oo Ka Tirsanaa Safaaradda Turkiga Ee Xamar oo La Dilay.

Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxay ku khaarajiyeen Ergay wax kasoo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Ergayga ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa toogtay ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, waxaana magaciisa lagu soo koobay C/kariin.

C/kariin ayaa sidoo kale hadda ahaa sarkaal ka tirsan safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, Xarakada Al-Shabaab ayaa horey uga digtay ku lug lahaanshaha soo xulista Xildhibaanada iyo la shaqeynta shisheeyaha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa joogto ka ah weerarada qorsheysan ee lagu beegsado DF iyo ciidamada shisheeye.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular