Cudurka furuqa Daanyeerada ayaa la xaqiijiyay inuu soo gaaray qaaradda Afrika isagoo waliba ah mid fidaya. Dowladda Nigeria ayaa xaqiijisay 21 xaaladood oo xanuunkan ah tan iyo bilowgii sanadkan, arrintan oo muujineysa koror aad u weyn.
Bayaan kasoo baxay dowladda Nigeria gaar ahaan waaxdeeda u qaabilsan xakamaynta cudurrada, NCDC, ayaa lagu sheegay in furuqa uu u dhintay nin 40 jir ah kadib markii la xaqiijiyay in Fayraska uu jirkiisa galay.
Cudurkan ayaa gaaray 19 gobol oo ku yaalla dalka Nigeeriya iyo waliba caasimadda wadanka ee Abuja. Dhaqaatiirtu waxay sheegayaan in nooca furuqan cusub uu yahay xanuun aan horey loo aqoon balse markii la baaray la ogaaday in laga qaado ficilada qowmuluudnimada, waana xanuun markii hore ku dhici jiray oo kaliya Daanyeerada.
Bishan hadda sii dhammaaneysa ee May horraanteedii ayay ahayd markii jasiiradda ku taalla dalka Spine oo la yiraahdo Gran Canaria ay isugu yimaadeen 80 kun oo qof oo ah dadka ku dhaqma ficilkii qowmu-luudka, halkaasoo ay ku dabaal dageen kuna muujiyeen iney yihiin dad jira oo mudan inaan lala yaabin.
Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska oo soo xiganaya dhaqaatiir ayaa qoray warbixin uu ku sheegayo in faafitaanka cudurkan busbuska ah ama furuqa uu kaalin weyn ka qaatay isku imaatinkii ay sameeyeen luudiyiinta kumannaanka kun ah ee isugu tagtay wadanka Spain.
Sidoo kale wakaaladda Amniga caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in dadka wadankaasi u dhashay ee laga helay cudurkan ay yihiin kuwa ficilka qowmuluudka ah lagu yaqaano.Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa dhawaan walaac xooggan ka muujiyay xanuunka furuqa daanyeerka oo fara baas ku haya wadamo badan oo uu dalkiisa ugu horreeyo.
Biden oo iska indha tiraya hadalada dhaqaatiirta ee ku aadan in xanuunkan laga qaado ficilladda xunxun ayaa wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay qaabka uu u fidayo isagoo ku ku tilmaamay ‘Walaaca ugu weyn’ ee haatan dunida ka taagan.
“Cudurka si aad ah ayaa looga walaacsan yahay gaar ahaan qaabka uu fidayo iyo cawaaqib xumida ka dhalan karta” ayuu yiri Biden. Si kastaba ha ahaato’e, xanuunkan ayaa haatan soo gaaray qaaradda Afrika, lamana oga sida ay noqon doonto saameyntiisa.