Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa todobaadkan laga diiwaan galiyay geerida 3 xubnood oo caan ka ahaa Dowladda Federaalka gudaheeda, kuwaasoo ka kala tirsanaa aqalka sare ee Baarlamaanka iyo ururada bulshada rayidka loogu yeero.
Cabdullaahi Axmad Garuun oo kasoo mid ahaa dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, sidoo kalana xildhibaan ka ahaa dowladdii Farmaajo ayaa u geeriyooday xanuuno lasoo darsay. Sidoo kale Jawaahir Axmad Cilmi oo iyana ka tirsanayd isla golahaas ayaa ku geeriyootay dalka Hindiya, waxaana ay eheladeedu sheegeen in ay xanuunsanaysay todobaadyadii lasoo dhaafay.
Dadka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanadan ay xanuunsanaayeen tan iyo markii ay ku hungoobeen iney kamid noqdaan Baarlamaanka cusub, waxaana u tacsiyeeyay Xassan Sheekh, Aadan Madoobe iyo Rooble oo ah madaxda DF.
Sidoo kale waxaa shalay oo Axad ahayd magaalada Muqdisho ku dhintay Cabdullaahi Maxamad Shirwac oo ka tirsanaa ururada loogu yeero bulshada Rayidka, Shirwac ayaa ahaa nin galaangal weyn ku dhex leh DF, inta badanna kala shaqeyn jiray arrimaha bulshada, isna waxaa tacsidii sadaxaad u diray Xassan Sheekh, madaxweynaha DF.