Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxay tilmaamayaan in howlgal qorsheysan oo ka dhacay xaafadda Baar Ubax lagu dilay askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.
Dhanka kale qarax ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhashey khasaare culus oo gaarey ciidamo iyo saraakiil katirsan kuwa Dowladda federaalka.
Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 6 kale, kuwaasoo labo kamid ah yihiin saraakiil ciidan, waxayna kala yihiin Gaashaanle dhexe Madaxeey Jowle iyo Gaashaanle dhexe Maxamad Ibraahim, kuwaasoo dhaawacyadoodu garaab yihiin.