Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Britain ayaa ka warbixisay weerar lagu qaaday Markab marayey Konfur-galbeed ee Dekedda Magaalada Al-Xudeydah ee dalka Yemen.
Hay’adda ayaa baraheeda intenetka ku faafisay in Markab ganacsi lagu weeraray meel 34-Mile koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Al-Xudeydah ee dalka Yemen, iyadoona intaa ku dartay in baaritaanno lagu hayo sida ay wax u dheceen.
Sharikadda amniga badaha ee Biritin ayaa waxay dhankeeda sheegtay in markabka ay soo weerareen kooxo doonyo wata, ayna bad qabaan shaqaalihii saarnaa.
Sharikadda ayaa intaas ku dartay in markabkaan la wareeray uu ka dul babanayay calanka Hong Kong, taas oo muujinaysa in waddankaas laga leeyahay.