
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday weerar culus oo ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.
Mujaahidiintu waxay si gaar ah u beegsadeen bar isbaarro ah oo ay ciidamada Dowladda federaalka lacago baad ah kaga qaadi jireen gawaarida dadweynaha.
Ugu yaraan 7 askari oo katirsan ciidamadii isbaarada joogay ayaa lanoo xaqiijiyay iney ku dhinteen weerarka. Waxay sidoo kale Mujaahidiintu soo furteen 6 qori iyo booshashkooda.
Balcad waxay dhowr jeer oo hore marti gelisay weeraro cagmarin ah oo ay qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha Burundi iyo kuwa Dowladda federaalka.