Waxaa gabi ahaanba caawa lasoo gunaanaday doorashada madaxweynaha DF ee ka socotay teendhada Afisyooni oo ku taalla xeyndaabka xerada Xalane.
Xassan Sheekh iyo Farmaajo oo ku tartamayay wareegii 3-aad ee doorashada ayaa waxaa ugu dambentii soo baxay Xassan Sheekh oo helay 214 cod, halka Farmaajo uu helay 110 cod.
Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in Xassan Sheekh uu yahay madaxweynaha DF. Xassan Sheekh ayaa waxaa ka muuqday farxad xad dhaaf ah.
Xarunta ay doorashadu ka socotay ayaa waxaa is qabsaday buuqa iyo sawaxanka xildhibaanadii kala taageersanaa Farmaajo iyo Xassan Sheekh.
Xassan Sheekh ayaa waxaa lagu qaaday gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada shisheeye ee Uganda, lamana oga in ay madaxtooyada horey ka geynayaan iyo in ay goob kale u wadaan.