Sida lagu sheegay war kasoo baxay booliska Canada ruux hubeysan ayaa weerar toogasho ah oo khasaare sababay ka geestay magaalada Toronto ee dalka Canada.
Ugu yaraan 1 ruux ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay weerarkaan oo si gaar ah kaga dhacay goob gaawaarida la dhigto oo ku taalla bartamaha magaaladaas.
Sarkaal katirsan waaxda booliska Toronto ayaa warfidiyeenada u sheegay in ciidamada amaanka oo goobta gaaray weerarka kadib ay halkaas kula kulmeen laba ruux oo dhaawac ah oo mid kamid ah ay xaaladiisu aad u liidato kaasoo ugu danbeyn isbitaalka ugu geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray weerarka.
Sarkaalkaan ayaa sidoo kale tilmaamay inay ku raadjoogaan ninkii falkan geystay, isagoo aan bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.
Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 5 ruux oo Muslimiin ah lagu dhaawacay weerar ka dhacay afaafka hore ee Masjid ku yaalla magaalada Toronto ee xarunta gobolka Ontario ee dhaca bartamaha dalka Canada.