HomeAll newsSacdiyo Yaasiin oo Loo Doortay Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka.

Sacdiyo Yaasiin oo Loo Doortay Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka.

Doorasho ka dhacday xeyndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka loogu doortay Sacdiyo Yaasiin oo ah haweeney qurba joog ah oo ka tirsanayd Baarlamaankii hore.

Mar kale waxaa doorashooyinkan ku loolamayay xildhibaano kala taageersan Farmaajo iyo Rooble waxaana xusid mudan in haweeneyda soo baxday ay kamid tahay mucaaradka Farmaajo.

Sacdiyo ayaa Baarlamaanka gudihiisa caan ka ahayd waqtiyada qaarna waxay isticmaali jirtay foori iyo firimbi gaar ahaan marka uu buuqa jiro ee wax la carqaladeynayo.

Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xafiiska Rooble ayaa u horreeyay dhinacyadii usoo hambalyeeyay, waxaa sidoo kale gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka loo doortay Cabdulaahi Cumar Abshiro.

Goobta doorashada waxaa ammaankeeda gacanta ku hayay ciidamada shisheeye iyadoo xildhibaanada qaar ay sheegeen in si khaldan loo baaray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular