Hal Wareysi oo kaliya laguma soo koobi karo fadliga ay leedahay qofka inuu wax sadaqeysto.
Danbiga ayay qofka ka hoobisaa sadaqada waxaana sadaqadu isugu jirtaa mid sunno ah iyo mid waajib ah.
Sheekh Xasan Takar oo kamid ah Culimada diinta islaamka ee wilaayaadka ayaa ka hadlay ajarka laga helayo in ixsaan loo sameeyo adoomada allaah.
Waxa uu shiikhu ku dheeraaday sadaqada aanan guurin ee waarta xitaa qofka haduu dhinto.
Sadaqada maalka ayaa ku kordha waxaana wilaayaadka haatan ka socda in dadku ay kaalmo la gaarayaan walaalahooda lagu dhibaateeyay Gedo.