HomeAll newsAskari Karirsan DF oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Askari Karirsan DF oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Rag hubeysan oo katirsan ciidanka Al-Shabaab ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxay ku beegsadeen askari katirsan ciidanka DF.

Howlgalka oo ahaa mid qorshaysan ayaa ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha qeybta degmada Holwadaag waxaana lagu khaarijiyay askari katirsanaa ciidanka Booliska ee dowladda Federalka.

Askariga la dilay oo magaciisa lagu soo gaabiyay Maslax ayaa kamid ahaa ciidanka ay horay u soo tababartay dowladda Imaaraadka Carabta.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya howlgalada lagu ugaarsanayo ciidanka DF gaar ahaan kuwa Booliska ah xili taliyaha ciidanka Booliska Xijaar uu walaac xooggan ka muujiyay weerarada lagu khaarijinayo askarta uu taliyaha u yahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular