HomeAll newsBaadari Lagu Dhaawacay Weerar Ka Dhacay Kaniisad Ku Taalla Dalka Faransiiska.

Baadari Lagu Dhaawacay Weerar Ka Dhacay Kaniisad Ku Taalla Dalka Faransiiska.

Warar naga soo gaaraya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in maanta weerar loo adeegsaday mindi lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee koonfurta dalkaas.

Sida ay ku warantay warbaahinta Faransiiska nin ku hubeysan mindi ayaa weerar ku qaaday kaniisada Saint-Pierre-Darren oo ku taalla waddada La Bofa ee magaalada Nice xili ay halkaasi ka socotay munaasabad waxaana ku dhaawacmay 2 ruux oo kirishtan ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin oo ka hadlay weerarka ayaa xaqiijiyay dhaawaca labada ruux oo mid kamid ah uu yahay baadari katirsan kaniisada madhabka Katooliga ee Kirishtaanka, asigoona intaas ku daray in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen ruuxii ka dambeeyay weerarka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warfideyeenada la wadaagay in ruuxa weerarka geysatay uu baadariga dhanka sambabada dhowr jeer minda kaga dhuftay taasoo keentay in dhiig badan uu ka baxo.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in qofka kale ee weerarka ku dhaawacmay ay tahay haweeney katirsan shaqaalaha kaniisadda taasoo isku dayday inay baadariga ka difaacdo ruuxa soo weeraray balse uu ayada dhawac u geestay.

Saraakiisha booliska Faransiiska ayaa waxay sheegeen in ruuxa loo qabtay falkaan uu yahay nin 30 jir u dhashay dalka Faransiiska islamarkaana ay baaritaano ku wadaan sababta ku kaliftay inuu weerar ku qaado kaniisadda.

Macada ula jeedada weerarkaan balse dalka Faransiiska ayaa marar badan waxaa ka dhacay weeraro kaligii duulnimo ah oo ay fuliyeen dhalinyaro Muslimiin ah oo ka dhiidhiyay meel ka dhaca sharafta nabigeena maqaamka sare leh ee Muxamed Sallallahu Calayhi Wa-Sallam.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular