HomeAll newsShil Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Dhulka Xarameynka.

Shil Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Dhulka Xarameynka.

Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ayaa ku waramaya in shil khasaare xooggan dhaliyay uu ka dhacay Halkaas.

Shilkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay magaalada Madiinatul Munawwarah, Waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday in ka badan 50 ruux.

Wadada weyn ee Marta magaalada Madiina ee lagu magacaabo Dariiqul Hijrah ayaa waxaa ku qallibmay gaari rakaab ah, waxaana ku dhintay 8 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 43 kale.

Dadka dhaawacyda soo gaaray ayaa isugu Jira kuwa daran iyo qaar meel dhaxaad ah, Waxaana la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Madiina halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular