Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ay xalay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka geysatay xeebta Liido gaar ahaan goob isku imaatin caweys ah oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan DF, waxaana ku dhintay 14 halka 21 ay ku dhaawacmeen, dhammaantoodna waa xubno kala duwan oo ka tirsan DF.
Qaraxa ayaa waxaa si dirqi ah uga badbaaday Xijaar oo ah taliyaha ciidanka Booliska waxaana dadka ku dhintay kamid ah saraakiishii la socotay iyo ilaaladiisii khaaska ahayd.
Xog aan heleyno ayaa sheegeysa in goobta laga qaaday meydadka saraakiil dhowr ah, kuwa aan magacyadooda helnay waxaa kamid ah Maxamed Timo Jilic oo ahaa sarkaal ka tirsan Milatariga.
Sidoo kale waxaa qaraxa ku nafwaayay Abuukar Maxamed oo ahaa xoghayaha gaarka ah ee taliyaha Police iyo sarkaal caan ku ah carab oo isna ahaa ilaaliyaha gaarka ah ee taliyaha Booliska.
Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah Cumar Fiqi oo ah musharax madaxweyne waxaa baraha bulshada lasoo dhigay isagoo ay lugta ka duuban tahay oo sariir jiifa.
Intaa waxaa dheer oo isna dhaawac noqday Liibaan Shidane oo kamid ah taliyeyaasha Police ka ee gobolka Banaadir iyo Maxamed Warsame oo ka mid ah saraakiisha ciidanka booliska.
Khasaaraha ayaa intan ka badan, dowladda federaalkana waa ay ka gaabsatay iney saxaafadda la wadaagto magacyada dadka dhimashada iyo dhaawaca uga noqday weerarka.
Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay sheegatay mas’uuliyadda qaraxan kaasoo xalay aad u qalqal galiyay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha deggan hoteelada kale ee ku dherersan xeebta Liido.