Rag hubeysan oo katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhow waxay howlgal gaar ah ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Howglkaan oo ahaa mid qorshaysan islamarkaana lagu khaarijiyay askari katirsanaa ciidanka DF ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Sida aan wararka ku heleyno askariga la dilay ayaa waxaa la oran jiray Maxamed Cabdi Rooraaye, waxaana raggii dilka u geestay ay si nabad gelyo ah uga tageen goobta ay ka fuliyeen howlgalka khaarijinta ah.
Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah silsilado weeraro ah oo ay ciidanka Al-Shabaab habeen iyo maalinba ka fuliyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kuwaas oo lagu ugaarsado madaxda iyo ciidanka DF.