Taliyaha ciidanka Booliska DF Cabdi Xassan Maxamad (Xijaar) ayaa shaaca ka qaaday in ay leyn ku socoto ciidanka uu madaxda u yahay ee Booliiska, wuxuu sheegay in habeenkey ugu yar tahay la dilo 2 illaa 3 askari tan oo ka dhigay in bil walba ay aasaan tiro u dhaxaysa 60 illaa 90.
Taliyaha ayaanan ka hadal dhibaatada ay ciidamada Boolisku ku hayaa shacabka Muqdisho, siiba kuwooda Bajaajta ku shaqeysta, xalay oo u dambeysa ayaana magaalada Muqdisho lagu toogtay askari ka tirsan Booliska.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa aad usii laba jibaaray weeraradooda ka dhanka ah ciidamada DF, gaar ahaan Booliska, Sirdoonka iyo Milatariga.