Magaalada Sharma Al-Sheykh ee ku teedsan Badda Cas islamarkaana ku taalla dalka Masar waxaa soo gaaray duulimaadkii ugu horreeyay ee gacansi ee Maamulka Yuhuudda, taas oo muujinaysa xiriirka ka dhexeeya Masar iyo Maamulka gumeysiga.
Aad iyo aad ayaan ugu faraxsannahay duulimaadkii ugu horreeyay ee aan ku tagno magaalada Sharma Al-Sheykh, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Shirkadda duulimaadka ee Al-Caal Airlines, oo ah shirkadda sida rasmiga ah u daabusha badeecada iyo agabyada maamulka Yuhuudda.
Warka kasoo baxay sharikadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in isbuuc gudihiisa ay 3 safar oo kale ku tagi doonto magaalooyinka dalxiiska iyo wax soo saarka leh ee ku yaalla dalka Masar.
Ra’iisal Wasaaraha maamulka Yuhuudda ayaa bartamihii bishii Marso ee lasoo dhaafay shir ka dhacay dalka Masar ku sheegay in labada dhinac ay isla gaareen heshiis xagga duulimaadka iyo dhaqaalaha ah, taas qeyb ka ah heshiiska caadiyeynta ee ay dowladaha carbeed la galeen Maamulka Yuhuudda.
Waxaa wax aad looga xumaado ah in dowladaha carbeed ay u deg dagayaan sidii ay uraali galin lahaayeen Maamulka Yuhuudda, xilli ay kawada dharagsan yihiin dhibaatada uu Ixtilaalku ku hayo Masjidka Barakeysan Al-Aqsaa iyo dhammaan deegaannada dhulalka Muslimiinta ah, taas oo aysan xittaa jirin hal dowlad oo ka hadahsay dhibaatadaas lagu hayo Muslimiinta.