HomeAll news13 Ruux Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Toogasho Ka Dhacday Mareykanka.

13 Ruux Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Toogasho Ka Dhacday Mareykanka.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ruux hubeysan uu maanta rasaas ku furay goob ay ka socotay xaflad oo ay ku sugnaayeen ku dhawaad 200 ruux, taasoo keentay in tiro dad ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan.

Sida ay sheegeen laamaha amaanka ee dowladda Mareykanka goobta la weeraray ayaa ku taalla xaafadda East Alpine ee magaalada Pittsburgh oo dhacda galbeedka gobalka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Waaxda Badbaadada Dadweynaha ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in weerarkaan toogashada ah ay ku dhinteen 2 ruux oo Ameerikaan ah halka sidoo kalena ay ku dhaawacneen 11 kale. kuwaasoo la dhigay goobaha caafimaadka ee magaalada Pittsburgh.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in dadka qaar ee ku sugnaa xafladda ay daaqadaha dhismaha iska tuureen marka ay maqleen dhawaqa rasaasta taasoo keentay inay soo gaaraan dhaawacyo u badan burbur dhanka lafaha ah.

Dowladda Mareykanka ayaa u muuqata mid quus ka taagan ka hortaga falalka amni daro ee ku soo badanaya gudaha dalkeeda, waxaana weerarkii u danbeeyay ee ka dhacay dalkaas ku dhaawacmay in kabdan 10 ruux kaasoo ka dhacay goob laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Columbia ee gobalka South Carolina ee dalka Mareykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular