HomeAll newsDonald Trump oo ku guulaystay Codadka Gobollo farabadan.

Donald Trump oo ku guulaystay Codadka Gobollo farabadan.

Donald TrumpMusharraxa Jamhuuriga ee caanka ku ah Nacaybka Islaamka iyo Muslimiinta ayaa cod bixino ka dhacay dhowr gobol oo dalka Mareykanka ku yaala waxa uu ka helay codad aad u farabadan, taas oo ka dhigan inuu qarka u saaran yahay in Xisbiga Jamhuuriga uu u matalo doorashada Aqalka cad taladeeda lagula wareegayo.

Maalintii shalay oo gudaha Mareykanka looga yaqaano Talaadada weyn ayaa waxaa laga codeeyey illaa 12 gobol oo ugu dadka badan dalka Mareykanka, waxaana Donald Trump uu ku guuleystay illaa shan gobol oo kala ah Joorjiya, Ferjinia, Albama, Massachusetts, Tennessee, iyadoona ay xusid mudantahay in horey uu ugu soo guullaystay illaa 3 gobol oo kale.

Musharaxan oo wata halkudhig ah aan dib usoo celino Ameerikadii weyneyd ayaa horey u jeediyey hadalo keenay guux siyaasadeed oo uu kamid ahaa in hadii uu qabto talada Mareykanka uu joojin doono Muslimiinta soo galeysa Mareykanka, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay Cunsuri mayal adag.

Dhanka kale haweeneyda Hellery Clinton ayaa ku sareysa dhanka codadka marka laga hadlo xisbiga Dimuqradiga, waxaana ay ku guuleystay maalintii shalay gobollo farabadan oo shan gaaraya.

Doorashooyinkan socda ayaa gogol xaar u ah doorasada kama dambeyska ah ee lagu ogaan doono qofka uu noqonayo madaxweynaha Mareykanka sanadaha soo socda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular