HomeAll newsC/kariin Mooge: "$1.5 Bilyan ilaa $2 Bilyan Ayaa Ku Gubatay Suuqa Hargeysa"

C/kariin Mooge: “$1.5 Bilyan ilaa $2 Bilyan Ayaa Ku Gubatay Suuqa Hargeysa”

Warbixin kasoo baxday maamulka Somaliland ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha guud ee dabka ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa kaasoo cagta mariyay xarumo ganacsi oo badan.

Gudoomiyaha magaalada Hargeysa C/kariin Axmad Mooge oo saxaafadda la hadlay ayaa soo gudbiyay qiimeyn horudhac ah oo ku aadan khasaaraha wuxuuna sheegay in dabka lagu waayay lacag u dhaxaysa 1 Bilyan iyo bar illaa 2 Bilyan oo doolar.

Sidoo kale waxaa la magacaabay gudigo ka shaqeeya xog uruurinta iyo taakuleynta dadka ku ciirtoobay dabkii ka kacay Suuqa, dad badan oo wax ka qoray musiibadan ayaa sheegay in suuqu uu meelaha qaar ka ahaa isku raran loona baahan yahay in arrimahaas wax laga qabto.

Musiibooyinka noocan ah ayaa kusoo laalaabta suuqyada waayen ee dalka, suuqa ugu gubashada badan ayaa ah kan Bakaaraha ee Muqdisho, walow marar badan dabka ka kacay ay u sabab ahaayeen gacmo shisheeye, xilligii ay dagaalada tooska ah ka socdeen Muqdisho waxay ciidamada Amisom duqeyn jireen suuqa xataa haddii xerada Xalane lagu weeraro gaari qarax sida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular