HomeAll newsWadaad caan ah oo lagu weeraray dalka Filibiin.

Wadaad caan ah oo lagu weeraray dalka Filibiin.

CceavoBWEAAJOIvSaacado ka hor waxaa dalka Filibiin lagu beegsaday wadaad caan ah oo katirsan Culimada taageera Nidaamka Aala-Sucuud ee ka arimiya dhulka Xarameynka.

Qof hubeysan ayaa rasaas ku furey Gaariga Shiikh Caa’id Al-Qarni mar uu ka ambabaxayay goob uu Muxaadaro ka jeedinayay oo ku taalla magaalada Zanbuwanga ee dalka Filibiin.

Wadaadka la beegsaday ayaa waxaa goobta kasoo gaaray dhaawac fudud sida ay baahisey wakaaladda Sabaq oo soo xiganeysa Safiirka Aala-Sucuud ee dalka Filibiin.

Haatan waxaa lagu dabiibayaa Cisbitaal ku yaala dalka Filibiin, waxaana jira warar kale oo sheegaya in rag gaaraya 5 Ruux oo Shiikha lasocotay ay sidoo kale halkaas ku geeriyoodeen inkastoo Safaaradu beenisay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular