Wiil dhalinyaro Falastiini ah ayaa weerar kaligii duulnimo ah ku qaaday maanta dad Yahuud ah oo ku sugnaa boosteejada deegaanka Gush_Etzion oo ku yaalla koonfurta magaalada Baytul Laxam ee dhulka Falastiin.
Nidal Jumcah oo ah fuliyaha weerarka ayaa tooray la dhex qaaday dad Yahuud ah oo saarnaa gaari bas ah waxaana ku dhawacmay ugu yaraan 4 ruux oo Yahuud ah.
Sida ay baahisay warbaahinta Yahuudda 4-ta ruux ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo garaab ah sidoo kalena waxay sheegtay in la toogtay ninkii fuliyay weerarka lagu beegsaday dadka Yahuudda ah ee xooga lagu dejiyay magaalada Baytul_Laxam.
Waa weerarkii Afaraad oo dhulka Falastiin ka dhaca muddo ka yar 10 maalin kuwasoo lagu dilay ku dhawaad 15 Yaduud ah, laguna dhaawacay tiro intaa ka badan oo dhamaan isugu jira ciidan iyo dad Yahuud ah oo xoog ku qabsaday dhulka Muslimka ah ee Falastiin.