HomeUncategorizedCiidamo Katirsan Q.Midoobey Oo Ku Le'day Diyaarad Kula Bur Burtay Koonkada Dimuquraadiga...

Ciidamo Katirsan Q.Midoobey Oo Ku Le’day Diyaarad Kula Bur Burtay Koonkada Dimuquraadiga ah.

Taliska howlgalka waxa loogu yeero nabad ilaalinta Q.Midoobey ee dalka Koongo ayaa shaaciyay in 8 askari ay ku dhinteen diyaarad Helokobtar oo ay leedahay Q.Midoobey, taas oo ku bur burtay bariga Koonkada Dimuquraadiga ah.

Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa shaacisay in 8-da askari ee ku dhintay bur burka diyaaradda ay kala ahaayeen 6 kamid ah ciidadamada xukuumadda Pakistan, iyo laba askari oo midna Ruush yahay halka kan kalena uu u dhashay Serbiya, waxaana askartaa ku jiray duuliyihii diyaaradda.

Howlgalka oo loo yaqaan MONUSCO ee Q.Midoobey ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in aan wali la ogeyn haddii ay jiraan dad ka badbaaday bur burka diyaaradda.

Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ku soo dhacday deegaan uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Congo iyo jabhadda M23 oo kamid ah jabahaadka mucaaradka ee dalkaas.

Taliska Ciidamada Kongo ayaa sheegay in kooxda M23 ay soo riday diyaaradda helicopter-ka, balse hadalkaas waxaa beeniyay afhayeenka jabhadda.

Q.Midoobey illaa iyo hadda kama soo bixin wax war ah oo ku aaddan bur burka diyaaradda iyo sababta ka dambeysa, balse waxay sheegtay inay baaritaanno wado.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular