Degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose waxaa xalay ka dhacay qarax lala beegsaday Cabdullaahi Gaduudow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka degmada Wanlaweyn, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Sida ay xaqiijiyeen ilo mas’uul ah qaraxa oo ahaa mid culus islamarkaana jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmada ayaa waxaa dhaawac culus ku noqday Guddoomiye ku xigeenka halka sidoo kalena ay ku dhinteen 2 askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa.
Dhanka kale magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay howlgal qorshaysan oo lagu dilay sarkaal katirsan ciidamada sirdoonka dowladda Federalka.
Sida aan xogta ku helnay sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Shiine Jadan ayaa rag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab waxay ku qaarijiyeen gudaha degmada Dharkenley ee gobalka Banaadir.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerara-daan xalay iyo maanta ka kala dhacay degmada Wanlaweyn iyo magaalada Muqdisho, waana qeyb kamid ah howgallada lagu ugaarsado madaxda iyo ciidanka katirsan DF.