HomeAll newsShil Gaari Oo Ka Dhacay Magaalada Burco & Khasaare Ka Dhashay

Shil Gaari Oo Ka Dhacay Magaalada Burco & Khasaare Ka Dhashay

Khasaare nafeed ayaa ka dhashay shil gaari oo maanta ka dhacay magaalada Burco ee uu ka arimiyo maamulka Somaliland.

Shilka ayaa yimid kagadaal markii ay isku dhaceen gaari Booyad ah iyo Mooto Bajaaj xili ay marayeen agagaarka hotelka Isha Burco ee magaalada Burco waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay shilka 3 ruux halka sidoo kalena 4 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan la dhigay isbitaalka magaalada Burco.

Waa shilkii labaad oo aagaas ka dhaca muddo 24 saac gudahood ah. Shalay ayay aheyd markii ay 3 ruux ku dhinteen 5 kalena ay ku dhaawacmeen gaari kula rogmaday degaanka Qoyte oo hoostaga degamada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular