
Sida ay ku warameen dadka deegaanka shilka ayaa yimid kagadaal markii uu rogmaday gaari nooca raaxada ah oo ay saarnayeen dad Shacab ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaan naxdinta leh ku geeriyooday saddex ruux oo isugu jira laba dumar ah iyo cunug yar, halka 5 kalana ay ku dhawacmeen, kuwaasoo la geeyay Isbitaalka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer
Shilalka gaari ee geesta khasaarooyinka kala duwan ayaa kusoo badanaya deegannada uu ka taliyo maamulka Somaliland kuwaasoo loo aaneeyo wadooyinka oo aan dayactirneyn iyo dawarallada oo gaadiidka si xoogan u ka xeeya halka kuwa qaarna ay yihiin kuwo isticmaala maandooriyaha.