HomeAll newsFaahfaahin: Saraakiil Ciidan Oo Lagu Dilay Dagaalkii Saaka ka Dhacay Af-Urur. (Sawirro)

Faahfaahin: Saraakiil Ciidan Oo Lagu Dilay Dagaalkii Saaka ka Dhacay Af-Urur. (Sawirro)

Ciidamada Xarakada Mujaahiinta Al-Shabaab ayaa saakay Aroornimadii weerar cagmarin ah ku qaaday saldhig ay ciidanka maamulka Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-Urur oo qiyaastii 100-km dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee waqooyi-bari dalka Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus islamarkaana cagta lagu mariyay saldhigga ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday in kabadan 25 askari oo ay ku jiraan tiro saraakiil ah.

Sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay Al-Shabaab waxaa dagaalka lagu dilay 9 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo askar katirsan ciidanka maamulka Puntland halka sidoo kale lagu dhaawacay 15 kale.

Saraakiisha lagu dilay dagaalka waxaa kamid aha Siciid Cabdikariin Muuse (Shaati) & Maxamed Jaamac Yuusuf (Xiir) kuwaasoo kamid ahaa saraakiisha hogaaminaysay guutadii daganeyd xerada Af urur ee saaka marti gelisay werarka cagmarinta ah.

Sidoo kale warka kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in inta uu socday dagaalka lagu gubay 6 gawaarida ciidanka ah halka dagaalyahanada Shabaabul Mujaahidiin ay xerada kasoo rarteen saanad militari oo aad u badan.

Xerada Afurur ayaa dhowrjeer oo hore waxay marti gelisay weeraro noocaan ah, weerarkan ayaana noqonaya kii labaad oo ugu weynaa marka loo fiiriyo khasaaraha iyo waxyeellada ka dhalatay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular