HomeAll newsToogasho Khasaare Geysatay Oo ka Dhacday Bariga Waddanka Canada.

Toogasho Khasaare Geysatay Oo ka Dhacday Bariga Waddanka Canada.

Warar naga soo gaaraya dalka Canada ayaa sheegaya in weerar toogasho ah oo khasaare geestay uu ka dhacay magaalo ku taalla gobalka Atlantic Canada oo dhaca bariga dalkaas

Warbaahinta dalka Canada ayaa shaacisay in toogasho ka dhacday magaalada Halifax ee gobalka Atlantic lagu dilay wiil dhalinyaro ah kadib markii ruux hubeysan uu rasaas la dhacay wiilka oo ku sugnaa bartamaha magaalada sida ay sheegeen saraakiisha booliska Canada.

Kanaalka CTV ee maxaliga ah oo soo xiganaya sarkaal katirsan waaxda booliiska magaalada Halifax ayaa sheegay in ciidamada amaanka oo goobta tegay toogashada kadib ay la kulmeen wiil dhalinyaro ah oo qaba dhaawac halis ah kaasoo ay rasaas kaga tiilay qeybha sare ee jirkiisa, kadibna ciidanku ay u qaadeen goobta caafimaadka si xaaladiisa loola tacaalo.

CTV ayaa intaas ku daray in Booliska ay goor danbe shaaciyeen in wiilkaan oo da’diisa lagu qiyaasay 20 jir uu u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray weerarka toogashada ahaa.

Booliska Canada faahfaahin kama bixin cidda ka dambeysay weerarka balse waxay tilmaameen in haatan aaggaasi ay ka socdaan baaritaano dheeraad ah oo la xiriira sida uu falkaasi ku dhacay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular