HomeAll newsIn Ka Badan 140 Ruux Oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Bur Burtay...

In Ka Badan 140 Ruux Oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Bur Burtay Shiinaha.

Dowldda Shiinaha Ayaa ku Dhawaaqday Dhimashada Dhamaan Rakaabkii Saarnaa Diyaaradii Dhawaan ku Durburtay koonfurta Dalkaas

Hay’adda duulista rayidka ee dalka Shiinaha ayaa xaqiijisay dhimashada dhammaan rakaabka iyo shaqaalihii la socday diyaaradda “East China”, taasoo ku burburtay Isniintii lasoo dhaafay meel u dhow magaalada Wuzhou ee koonfurta dalkaas.

Ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda duulista rayidka ayaa shir jaraa’id uu shalay qabta ku sheegay in
dhammaan dadkii lasocday diyaaraddii burburtay 21-kii bishaan Maarso ay dhinyeen.

Sida uu sarkaalkaan shirka jaraa’id ku sheegay dadka dhintay ayaa gaaraya 141 ruux oo kala ah 132 rakaab ah iyo 9 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda burburtay oo ay leedaheyd shirkadda China Eastern Airlines

Tobaneeyo qoys oo kamid ah ehelada dadkii lasocday diyaaradda ayaa maalimihii lasoo dhaafay waxay sugayeen warka ku saabsan halka ay ku danbeyn doonto masiirka dadka la’layhay iyadoo tan iyo mudadaas ay si xaariir ah ku socdeen howlgallo lagu baadi goobayo dadkaas kuwasoo ay ka qeyb qaadanayeen boqolaal shaqaaha gurmadka ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular