Guutada qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay waxay weeraro loo adeegsaday qaraxyo dhowr ah ku beegsatay askar katirsan ciidamada dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.
Qaraxyada oo ahaa kuwo silsilado ah ayay Mujaahidiintu waxay ku weerareen xarumo iyo fariisimayaal ciidan oo ay askarta DF ku leeyihiin gudaha iyo duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelleha Hoose, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday 5 askari oo katirsan ciidanka DF.
Dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta dagaal fool-ka-fool ah waxay ku qaadeen saldhig ay askarta Kenya ku leehiyiin deegaanka Taabto ee gobalka Jubbada Hoose.
Sida ay wararku tilamaamayaan dagaalka oo ahaa mid culus isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray askartii ku sugneyd saldhigga la weeraray.
Dagaalka ayaa waxaa lagu dilay inta la hubo hal askari oo katirsanaa ciidanka Kenya ee loo yaqaan KDF-ta kuwaas oo qeyb ka ah shisheeyaha duullanka ku jooga dalka Soomaaliya.