Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu maamuusayay 60 arday oo dhamaysatay xifdinta Quraanka Kariimka ayaa ka dhacday degmada Jilib ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka.
Xafladda oo lagu qabtay goob aad loo qurxiyay ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin, waalidiinta, ardayda, macallimiinta, iyo qaybaha bulshada ee magaalada Jilib.
Ardaydan oo isugu jirta wiilal iyo gabdho islamarkaana kasoo baxday madarasadda Daarul Quraan ee xifdinta Quraanka Kariimka ee ku taalla degmada Jilib ayaa waxa la guddoonsiiyay shahaado cadaynaysa in ay dhammaysteen barashada iyo xifdinta Quraanka Kariimka ah.
Maaha markii u horeysay ee madarsadda Daarul Quraan ay soo bandhigto arday dhamaysatay xifdinta Quraanka, hase yeeshee sidan oo kale ayay dhowr jeer oo hore u soo bandhigtay arday dhamaysatay Qur’aanka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada: