Rag hubeysan ayaa weerar jid gal ah waxay la beegsadeen cutubyo ka tirsan ciidanka Burkina Faso oo ku socdaalayay bariga dalkaas waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho oo soo gaartay askartii ku dhacday weerarka dhabba-galka ah.
Ugu yaraan 12 askari ayaa lagu dilay weerar-kaan, sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee AFP.
Wakaalada wararka ee Burkina Faso oo soo xiganaysa ilo mas’uul ah oo katirsan xukuumadda Wagadago ayaa sheegtay in waxey ugu yeertay kooxo argagixiso ah weerar ay ka geesteen agagaarka deegaanka Nateapwani, ayna ku dileen 12 askari oo katirsan ciidamada amaanka dowladda Burkina Faso.
Dalka Burkina Faso ayaa qeyb ka ah isbaheysiga ay hor boodeyso dowladda Faransiiska ee duulaanka shareeco la dirirka ku qaaday dalka muslimka ah ee Maali, waxaana tan iyo markaas dalkaas ka dhacayay howlgallo Jihaadi ah oo ay fulinayeen dagaalyahanada jamaacada jihaadiga ah ee Nusratul Islaam Wal-muslimiin.