HomeAll news2 Ka Tirsan Ciidamada DF oo Lagu Dilay Xamar Midkoodna Hub Laga...

2 Ka Tirsan Ciidamada DF oo Lagu Dilay Xamar Midkoodna Hub Laga Furtay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay weeraro hubeysan oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Hawlgal xalay ka dhacay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, waxaa lagu dilay askari ka tirsan ciidamada DF, sida aan xogta ku helnay waxaa askarigan beegsaday ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab kuwaasoo goobta isaga tagay markii ay hubsadeen iney khaarajiyeen askariga.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay in askariga la oran jiray Muuse Talyaani, waxaana meydkiisa loo qaaday CID-da si loo ogaado inta xabbadood ee ku dhacday iyo goobaha lagaga dhuftay.

Sidoo kale, ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa isgoyska Balaaksii ee degmada Hodan ku toogtay askari ka tirsan ciidamada DF, askarigan ayaa waxay ka furteen qorigii uu sitay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si firfircoon uga hawlgala ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, tan oo walaac xooggan ku beertay DF.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular