Ilaa 50 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weeraro kala duwan oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay kooxo hubeysan ay ku qaadeen tuulooyin dhowr oo ka tirsan gobolka ay xasilooni daradu ka jirto ee Ituri oo dhaca waqooyi bari Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida ay sheegeen ilo maxalli ah.
Falaagada Uganda ee loo yaqaan Isbahaysiga Dimuqraadiga ayaa waxay Axaddii lasoo dhaafay weerar ku qaadeen ilaa afar tuulo oo hoostaga deganada Irumu waxayna ku dileen 19 qof oo rayid ah sida uu wakaallada wararka ee AFP uu sheegay isku-duwaha NGO hootaga Hay’adda Human Rights.
Sidoo kale Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Munyandero ayaa sheegay in maalintii isniinta ay isla kooxdaan weeraro xariir ah ay ka geesteen tuulooyinka Carrier, Abakolo, Abamayaya iyo Kimauto halkaas oo ay ku deleen 19 ruux oo kale.
Munyandero ayaa intaa ku daray in tuulooyinka Abendi iyo Ndimo weeraro ka dhacay ayagana lagu dilay 15 qof oo rayid ah. isagoona sheegay in guud ahaan dadka ay kooxadaan dishay labadii maalin ee lasoo dhaafay ay yihiin 53 ruux oo rayid ah.