Guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxay qarax kula beegsatay Gaari Qooqan ah oo ay wateen askar isugu jirta Turki iyo Soomaali.
Inta la xaqiijiyay qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhintay 1 askari katirsan ciidanka DF sidoo kale waxaa ku dhaawacmay askari kale oo u dhashay dalka Turkiga.
Dhanka kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxay ku beegsadeen askari katirsan dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.
Rag hubeysan oo katirsan ciidamada gaarka ah ee Shabaabul Mujaahidiin ayaa degamada Hodan ee gobalka Banaadir waxay ku toogteen Majeestar oo ahaa askariga la beegsaday iyagoo rasaas kaga shannaqay qeybaha sare ee jirkiisa, taas oo keentay in durba uu halkaas ku quur baxo.
Muqdisho waxaa kusii kordhaya howlgallada kala duwan ee ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwasoo lagu ugaarsado shisheeyaha kusoo duulay dalka iyo Soomaalida la shaqeysa.