HomeAll newsWeerar Mindi Loo Adeegsaday Oo Ka Dhacay Dalka Farnsiiska

Weerar Mindi Loo Adeegsaday Oo Ka Dhacay Dalka Farnsiiska

Weerar loo adeegsaday tooray ayaa ka dhacay Magaalada Marseille ee koonfurta waddanka Faransiiska sida ay warinayso warbaahinta dalkaasi.

Ruux ku hubaysan tooray ayaa dhaawacay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda hoose ee magaalada Marseille kadib markii uu weerar mindiyeen ah ku qaaday askar ku sugneyd halkaas sida ay sheegayaan booliska magaalada.

Sarkaal katirsan waaxda Booliska Marseille ayaa Wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidanka amaanka ay toogteen ninka lagu tuhmayo in uu fuliyay weerarka lagu dhaawac sarkaalka, isagoo intaas ku daray in laamaha amaanku ay bilaabeen baaritaano lagu ogaanayo ninkaan weerarka geestay ee la dilay.

Waddanka Faransiiska ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro loo adeegsado mindiyaha, waxaana marar badan weeraro nuucaan oo kale ah dalkaas ka geestay dhalinyaro Muslimiin ah oo ka dhiidhiyay meel uga dhaca sharafka Nabigeena maqaaka sare leh ee Muxamed Sallallahu Calayhi Wa Sallam.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular