HomeAll newsAskari Katirsan DF Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Shabeellaha Dhexe

Askari Katirsan DF Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa tilmaamaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay xalay weerar culus ku qaadeen bar-koontarool oo ku taalla degamada Balcad.

Weerarkaan ayaa waxaa lagu beegsaday koontaroolka ciidamada DF ee degmada Balcad gaar ahaan Kan xiga dhanka deegaanka Golaleey ee duleedka degmadaas.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa cagta mariyay koontaroolka waxayna halkaas ku dileen hal askari oo katirsanaa ciidamada DF iyagoona soo furtay qori AK-47 ah.

Degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe oo qiyaastii 30km dhinaca woqooyi kaga toosan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxay marar badan marti gelisay weeraro xooggan oo ay ciidamada Mujaahidiinta cagta ku mariyeen saldhigyo askarta DF ay halkaasi ku leeyihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular