Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaan katirsan gobalka Lamu ee gudaha dalka Kenya.
Weerarka oo dhacay shalay ayay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si gaar ah ula beegsadeen xero ciidan oo ay askarta Kenya ka sameesteen deegaanka Majengo ee gobalka Lamu waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo mas’uul ah waxaa saldhigga ku sugnaa xilligii uu weerarka dhacayay injineero iyo shaqaale isugu ijira Shiineys iyo Kenyaati oo halkaas howllo dhismo ah ka waday.
War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegtay masuuliyadda weerarkan qorsheysan ee lagu dilay 6 ruux oo Nasaaro Kenyaati ah iyo qof Shiineys ah.
“Mujaahidiinta ayaa howlgal ka dhacay gobolka Lamu waxay ku dileen 6 ruux oo saliibiyiin Kenyaan ah iyo qof Shiinays ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii dardar geliyay howlgallada jihaadiga ah ee ay ka wadaan gudaha Kenya waxayna Mujaahidiintu beegsadaan ciidamada Kenyaatiga iyo dadka Nasaarada ah ee xooga lagu dejiyay dhulalka Muslimiinta.