Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgallo kala duwan oo khasaare lagu gaarsiiyay askarta shisheeye iyo kuwa DF ka fuliyeen goballada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Rag hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose waxay ku dileen askari katirsanaa ciidamada dowladda Federalka, kaasoo magaciisa lagu sheegay Jaylaani.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta waxay xalay weeraro culus ku ekeeyeen saldhigyada ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Ugandha ay ku leehiyiin deegaanada Laanta buuro iyo Buulo Mareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Dhanka kale ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa isla xalay waxay dagaal la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ku qaadeen xero askarta maamulka Jubbaland ka sameesteen deegaanka Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.