HomeAll newsDabley Hubeysan Oo 10 Ruux Ku Dilay Koonfur Bari Dalka Niger

Dabley Hubeysan Oo 10 Ruux Ku Dilay Koonfur Bari Dalka Niger

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa mas’uul maxalli ayaa sheegtay in kooxo hubeysan ay habeenimadii Arbacada weeraro ku qaadeen deegaanno badan oo ku teedsan xadka ay wadaagaan dalalka Niger iyo Nigeria.

Ugu yaraan 10 ruux rayid ah ayaa lagu dilay weeraro xariir ah oo kooxo hubeysan oo aan la garaneyn heebtooda ka geesteen tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degamda Diffa ee dhacda koonfur bari dalka Niger.

Sida ay baahisay warbaahinta dalkaas weerarada oo ahaa kuwo dhowr ah ayay dableyda hubeysan ku qaadeen tuulooinka kala ah Viego, Ngarwa, Lawande iyo Ngarwa-Kura oo dhaman katirsan degamda Diffa oo u dhaw soohdinta dalka Nigeria.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in khasaaruhu uu intaas ka badan karo maadaama kooxdu ay weeraro kala duwan ku qaadeen deegaano badan, iyadoo oo aan wali si rasmi ah looga war heyn sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay.

Tan iyo sannadkii 2015-kii, deegaanada ku yaalla xuduudka u dhexeeya waddamada Niger iyo Nigeria ayaa waxaa ka dhacayay dilal iyo afduubyo ay geysanayeen kooxo hubeysan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular