Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa gaaray dagmada Kurtunwaarey oo kamid ah gobalka Shabeellaha Hoose, iyagoona tuulooyin hoostaga degamadaas ka qeybiyay raashinka nocyadiisa kala duwan.
Dad masaakiin ah oo ku dhaqan tuulada Buulo-warbo oo hoostagta degmada Kurtunwaarey ayaa waxaa la gaar siiyay deeq raashin ah iyadoona ay ka faa’iideesteen dad gaaraya 210 qoys oo danyar ah.
Sidoo kale Gudiga Gurmadka ayaa gargaar raashin qeybin ah ka sameeyay tuulada Dhaayaney oo ay dagan yihiin dad kasoo barakacay gobalka Bay.
300 oo qoys ayaa ka faa’iideystay raashin qeybintaan uu Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Shabaabul Mujaahidiin uu ka sameeyay tuulooyinkan oo dhamaantooda toostagaan degamada Kurtunwaarey ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii wada wejiga labaad ee gurmadka loo sameynayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.