Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in goor dhow halkaas uu ka dhacay weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday askar katirsan ciidamada dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.
Laba qarax oo xooggan ayaa waxaa lala beegsaday saldhig ay ciidanka dowladda ku leeyihiin gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana jira khasaare soo gaaray askartii ku sugneyd saldhigga.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo khasaaraha ka dhashay qaraxyada ayaa tilmaamaya inay ku dhaawacmeen 4 askari oo uu ku jiro taliyaha saldhigga la weeraray.