HomeAll newsWeerar Lagu Dilay In Ka Badan 60 Ruux Oo Ka Dhacay Dalka...

Weerar Lagu Dilay In Ka Badan 60 Ruux Oo Ka Dhacay Dalka Nigeria

Wararka naga soo gaaraya gobolka Kebbi ee waddanka Nigeria ayaa waxay tilmaamayaan in qeybo kamid ah gobalkaas uu ka dhacay weerar lagu dilay tobanaan xubnood oo katirsan maleeshiyaad taabacsan ciidamada dowladda Nigeria.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliiska dalkaas ayaa sheegay in dabley hubeysan ay weerar gaadmo ah ku dileen ugu yaraan 60 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaad si mutadawacnimo ah ula shaqeeya ciidamda amaanka ee Nigeria.

Cismaan Saani oo ah taliyaha meeshiyaadka weerarka lagu laalay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in kooxdiisu ay qorshaynayeen in ay weerar ku qaadaan kooxo burcad ah oo ku sugnaa aagga Sakapa, balse ay burcadii ka war heleen qorshaha kadibna ay weerar dhabba-gal ah ku dhigeen kolonyo katirsan kooxdiisa, taasoo sababay sida uu sheegay in halkaas logu dilay 62 xubnood ka tirsan kooxdiisa.

Gobalka Kebbi ee ku yaalla waqooyi-galbeed dalka Nigeria ayaa waxaa ka dhaca weeraro dad iyo duunyaba lagu baabi’yay, dadka deegaanka ayaana sameestay maleeshiyaad ilaalaalo ku ah oo ka hortaga burcadda hubeysan ee halkaas ka qowleysata, maadaama ciidanka dowladda ay awoodi waayeen inay ka hortagaan falalka amaan dari ay geesanataan kooxaha hubeysan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular