Wararka naga soo gaaraya dalka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika ayaa ku waramaya in dalkaas uu ka dhacay weerar lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa Qaramada Midoobay oo waxa loogu yeero howlgal Nabad kusoo dabaalid ah halkaas u jooga.
Kolonyo katirsan ciidamada Qaramada Midoobay gaar ahaan calooshood u shaqeestayaal ka socda dowladda Maser ayaa waxaa lala beegsaday qarax culus xili ay ku socdaalayeen meel u dhaw deegaanka Moobati ee bartamaha dalka Maali.
Qaraxa oo aha miinada nuuca lagu aaso dhulka ayaa haleelay mid kamid ah gawaaridii kolonyada aheyd waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii saarneyd.
Bayaan ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Maali ayaa waxaa lagu sheegay in qarax khasaare geestay lala beegsaday askar ka tirsan ciidankooda xili ay marayeen waqooyiga deeganka Moobati islamarkaana ay ku sii jeedeen magaalada Timbuktu ee dhacda waqooyiga waddanka Maali.
Olifiyer Salgado, oo ah afhayeenka howlgalka Qaramada Midoobay ee Mali ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twettar-ka ku sheegay in kolonyo ciidan oo ka tirsan QM oo waday sahay lagu weeraray qarax waxaana ku dhintay 2 askari halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen oo dhaman ka socday dalka Maser.
Lama oga cidda illaa iyo hadda ka dambeysa mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha lagu gaarsiiyay ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee duulaanka shareeco la dirarka ah u jooda dalka muslinka ah ee Maali, balse waxaa waddankaan ka howlgala Jamaacada jihaadiga ah ee Nusratul Islaam Wal-muslimiin oo fulisay weeraro badan oo lagu naafeeyay shisheeyaha iyo la jirayaashooda.