HomeAll newsCiidamada Burundi oo saldhigyo Ka Sameystay Ceelasha Biyaha Shabeelaha Dhexe.(Maqal)

Ciidamada Burundi oo saldhigyo Ka Sameystay Ceelasha Biyaha Shabeelaha Dhexe.(Maqal)

micCiidamada Burundi iyo Maleeshiyaad Soomaali ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay gaaray deegaanno katirsan Gobalka shabeelaha Dhexe.

Qaar kamid ah indheer garadka shabeelaha dhexe oo uwaramay Alfurqaan ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka ka jira shabeelaha dhexe.

Nabadoon Calasow afrax Geedi ayaa sheegay in Ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaalida ah ee la socda ay dhibaato ka wadaan tuulo kasta oo maalmihii lasoo dhaafay ay gaareen.

“Haweenka ayay ka dhigeen xijaabka,Dugsiyadiina waxay la fariisteen qaad, Ceelasha biyaha wey degeen dadkiina oon ayay ubaaba’ayaan“ayuu yiri Afrax Cali Geedo.

Tuulada Ceelbaraf ayuu sheegay in laga gaystay dhac baahsan.

Abwaan Taakow Macalim Ciise ayaa dhankiisa sheegay in tacadi badan oo ka dhan ah shacabka shisheeyuhu ka wadaan shabeelaha dhexe.

Wuxuu sheegay in Amisom aysan ahayn nabad ilaalin bal ay nabadii la dagaalameen oo dadkii ay barakiciyeen.

Dhageyso Falanqeynta Calasow Afrax Geedi iyo Abwaan Taakow.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular