Guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro loo adeegsaday qaraxyo la beegsatay askar ka tirsan ciidamada shisheeye ee duulaanka ku jooga dalka Soomaalya, kuwaas oo ka kala dhacay qeybo ka mid ah goballada Bakool iyo Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa goor dhaw waxaa qarax culus lagu beegsaday gudaha degmada Waajid ee gobalka Bakool, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay qaraxa 3 askari oo ka tirsan Xabashida Itoobiya ee ku sugan degmadaas.
Dhanka Sh/Hoose 3 askari oo katirsanaa ciidanka Ugandha gaar ahaa qeybtooda miina baarayaasha ah ayaa ku dhintay qarax xooggan oo ay Mujaadiintu xalay kula bartilmaameedsadeen deegaanka Cabdow Dibile ee ku yaalla duleedka degmada Afgooye.
Qaraxyadaan ayaa ku soo aadaya xili ciidamada Shabaabul Mijaahidiin ay shalay silsilado qaraxyo ah la beegsadeen ilaa 12 xarumo degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir, kuwaasoo sababay khaseere soo gaaray xubmo ka tirsan DF oo ku sugnaa xarumahaas qaraxyada lagu weeeraray.