Ugu yaraan 16 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen weeraro lagu qaaday garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Jaazaan oo u dhow xadka ay wadagaan waddamada Yeman iyo Sacuudi Carabiya
Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee magaceeda loo soo gaabiyo (SPA) ayaa sheegtay in16 qof uu dhaawacay firirka diyaarad Drone ah oo lagu weeraray garoonka diyaaradaha Boqor Cabdallah ee magaalada Jaazaan ee dalka Sacuudi Carabiya
SPA oo soo xiganaysa war kasoo baxay madaxda dalkaasi ayaa intaas ku dartay in barnaamijka difaaca hawada uu dhexda ka qabtay diyaaradda lagu soo weeraray goroonka.
Bayaan kasoo baxay isbaheysiga Carabeed ee dagaalka ka wada dalka Yemen ayaa lagu sheegay in la burburiyay diyaarad Drone ah oo kooxda Xuuthiyiinta ay ka soo direen dalka Yemen kuna wajahneyd garoonka diyaaradaha ee Boqor Cabdallah, firirka ka dhashay burburka diyaaraddana uu sababay dhaawaca 16 qof oo rayid ah.
Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa isugu jira shaqaalaha garoonka iyo dad safar ahaa oo kasoo kala jeeda dhowr dal, ayuu intaas ku daray bayaanka xulufada Carbeed oo ay baahisay warbaahinta Sacuudiga.
Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa inta badan beegsata garoomada ku yaalla dalka Sacuudiga waxaana todobaad ka hor weerar sidaan oo kale ah oo lagu qaaday garoonka Abha oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga ku dhaawacmay 12 ruux oo wata jinsiyado kala duwan