Waxaa gebi ahaanba burburey maamulkii magaalada Diinsoor ugu magacaabnaa maamulka Koonfur galbeed, xilli magaalada ay ku jirto go’doon adag ayna ku gaaf wareegayaan dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Inta badan masuuliyiintii maamulka Diinsoor ayaa isku soo dhiibay wilaayada islaamiga ah ee Bay, waxaana Diinsoor isaga baxay dadka shacabka ah ee ku noolaa magaalada.
Wilaayada Bay ayaa dhawaan ku amartey dadka tirada yar ee ku harey Diinsoor iney isaga soo baxaan, iyagoo loo furey wadooyinka, hadana waxaa magaalada oo haawaneysa ku sugan ciidamada Xabashida iyo askar tiro yar oo katirsan maamulka Koonfur galbeed.
Dadka isku soo dhiibay wilaayada islaamiga ah ee Bay waxaa kamid ah darawalkii gaarka ahaa ee gudoomiyaha magaalada.